Deeq A. Posted February 14, 2021 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray laamaha amniga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay deg deg u furaan wadada Dabka oo xalay lagu xiray dhagxaan, kadib qarixii shalay ka dhacay isgoyska Sayidka. “Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa shacabka uga mahadceliyey dul-qaadkooda, isaga oo ku booriyey inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka. “Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada,” ayuu sii raaciyey. Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii gaarigii shalay ku qarxay isgoyska Sayidka uu si xawli ah ku dhaafay wadada Dabka ee magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites