Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo gacanta ku dhigtay gaari lagu diyaariyey walxaha qarxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gaari Hoomey ah oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku diyaariyeen walxaha qaraxa.

Howl-galkaan lagu soo qabtay gaariga hoomeyga ah ee lagu diyaariyey walxaha qarxa ayaa laga fuliyey tuulada Cad Cadey ee Degmada Afgooye gobolka Shabeelaha Hoose

Gaarigaan Hoomeyga ah ayaa in mudo ah lagu diyaarinayay walxaha qarxa, waxaana la sheegay in Al-Shabaab rabeen in ay ku weeraraan meelo bartilmaameed u ah.

Ugu dambeyntii saraakiisha Danab ayaa waxa ay sheegeen in xogta gaariga qaraxyada lagu diyaariyey ay soo gudbiyeen shacabka ku dhaqan Tuulada Cad Cadey ee Sh/Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this