Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamiin ahaa oo maanta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan Caasimadda ayaa waxaa loo adeegsaday gaari NOHA ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Gaariga ayaa si xawli ah ku soo dhaafay ciidamo ku sugnaa isgoyska Dabka, waxaana kadib rasaas lagu furay uu ku qarxay koontaroolka Sayidka ee baabuurta lagu baaro.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya oo war qooraal ah soo saaray ayaa sheegay in qaraxan uu ku dhintay is-miidaamihii fuliyey, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen illaa 7 qof oo kale.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu jiro burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj oo marayey wadada uu qaraxu ka dhacay.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro dilal & qaraxyo, waxaana ugu dambeeyey weerarkii xooganaa ee hotel Afrii.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this