Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo diiday in mar dambe dib loo dhigo kiiska Badda ee yaal Maxkamadda ICJ

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe, oo haatan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay kiiska dacwadda badda ee u dhexeeya  Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiir Dubbe, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay saaka warqad u qortay Maxkamadda ICJ, islamarkaana ay u caddaysay in aysan aqbali doonin dib u dhigidda Kiiska badda labada dhinac, kadib markii Kenya ay shalay sidaas dalbatay.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba yeeli doonin dib u dhigid dambe in lagu sameeyo kiiska dacwadda badda, maadaama dhawr jeer la aqbalay codsiga kenya oo ku saabsanaa in kiiska dib loo dhigo.

Sidoo kale, wuxu sheegay in kenya ay duullaan ku tahay guud ahaan dalka Soomaaliya, balse dowladdu ay diyaar u tahay in ay dalka difaacdo sida uu hadalka u dhigay.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo diiday in mar dambe dib loo dhigo kiiska Badda ee yaal Maxkamadda ICJ appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this