Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdi Xaashi oo ayiday mowqifka Puntland ee Shirka Arrimaha Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayaa soo dhoweeyay baaqa la xiriira in Shir ku saabsan Arrimaha Doorashada la isu’gu yimaado 15-ka bishan February 2021.

Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa sidoo kale taageeray mowqifka Puntland ee ku aaddan in Shirkaas lagu qabto magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ka qayb-galaan Saamileyda Siyaasadda iyo Beesha Caalamka.

Mr Xaashi wuxu sidoo kale ku baaqay in la wada ilaashado Nabadda iyo Xasiloonida dalka, lagana fogaado wax kasta oo qalalaase ku keeni kara Amniga dalka.

Aqalka-sare.jpg?resize=699%2C960&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Cabdi Xaashi oo ayiday mowqifka Puntland ee Shirka Arrimaha Doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this