Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Ammaanka oo bayaan ka soo saaray Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Amniga Qaramada Midoobay, oo Talaadadii shalay ka shiray Xaaladda Soomaaliya, ayaa baaq ka soo saaray Arrimaha Doorashooyinka dalka.

Bayaan ka soo baxay Golaha Ammaanka, oo ay warbaahinta u akhrisay Safiirka Ingiriiska u fadhida Qaramada Midoobay Barbara Woodward, ayaa Madaxda Soomaaliya ugu baaqay in ay mar kale dib ugu laabtaan wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka islamarkaana heshiis loo dhanyahay ay ka gaaraan.

Xubnaha Golaha Ammaanku, waxay ugu baaqayaan Hoggaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya, in ay si dhakhso ah dib ugu laabtaan Wada-xaajoodka, si wadajir ahna ay u wada-shaqeeyaan, iyagoo fiirinaya danaha Shacabka Soomaaliyeed. Waa in heshiis guud laga gaaro qabsoomidda doorasho loo dhanyahay taas oo ah in ay ku dhacdo sida ugu dhakhsaha badan” ayaa lagu yiri Bayaankaas.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay soo dhoweeyeen dadaalka ay muujiyeen Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ee ku wajahnaa dhammaystirka Heshiiskii 17-ka September ee Arrimaha Doorashada, waxaase Goluhu ka walaacsanyahay in Shirkii Dhuusamareeb uu ku soo dhammaaday heshiis la’aan” ayaa sidoo kale lagu yiri Qoraalka.

Bayaanka Golaha Ammaanka ayaa ku soo beegmay, xilli Madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay in 15-ka bishan February Shir ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka la isu’gu yimaado magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Waxaase xusid mudan, in Puntland ay ka cudur-daaratay marti-gelinta Shirka, islamarkaana ku talisay in lagu qabto magaalada Muqdisho, ayna ka soo qayb-galaan saamileyda Siyaasadda iyo Beesha Caalamku.

PUNTLAND POST

The post Golaha Ammaanka oo bayaan ka soo saaray Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this