Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Go’aano ka soo saaray xaaladda Siyaasadeed ee ka aloosan Somalia?

Recommended Posts

Deeq A.   

 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Go’aano ka soo saaray xaaladda Siyaasadeed ee ka aloosan Somalia?

Golaha Ammaanka QM

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midobay ayaa soo dhaweeyay shirka madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu ku baaqay in bartamaha bishan ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada isugu yimaadaan magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland.

Warbixin qoraal ah oo uu soo saaray golahani ayaa lagu sheegay in goluhu uu soo dhaweynayo wadahadallada cusub ee lagu baaqay 15-ka Febraayo.

Warbixintaasi ayaa sidoo kale ugu baaqday hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay dib u billaabaan wadaxaajoodka isla markaana ay ka wada shaqeeyaan danaha shacabka Soomaaliyeed oo ay ka heshiiyaan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho loo wada dhan yahay.

 

Golahani ayaa go’aankani qaatay kaddib markii uu warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya uu ka dhageystay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan.

Go’aankan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa soo baxay saacado uun kaddib markii maadxweyne Farmaajo uu soo jeediyay in 15-ka bishan shir kale lagu qabto magaalada Garoowe, shirkaasi oo uu sheegay in uu dhammaystir u noqonayo heshiiskii doorashooyinka ee 17-Sebteembar 2020 lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Farmaajo

Muddada xil-heynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8-dii bishan Febraayo. Mucaaradku waxay sheegeen in aysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladduse waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub.

Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

Siyaasiyiinta taageersan Farmaajo ayaa ku doodaya in uu weli yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda illaa laga helayo shakhsi xilkaas loo doortay oo si rasmi ah jagada ugala wareega.

Waxa ay xiganayaan xeer ay labada gole ee baarlamaanka wadajir u ansixiyeen 26-kii September 2020, kaasoo dhigaya in “hay’adaha dastuuriga ee dowladda ay xilkooda sii hayn doonaan illaa inta laga helayo hay’ado kale oo bedala.

Beesha caalamka ayaa madaxda Soomaalida ku boorisay in ay sii wadaan wadaxaajoodyada xalka looga gaarayo hannaanka doorashada, si loo hirgaliyo heshiis la isku wada raacsan yahay.

doorasho

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan uu fashil ku soo dhammaaday shir dhawr maalmood ka socday magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo madaxda Soomaaliya ay uga hadlayeen qaabkii ay doorasho dalka uga dhici lahayd balse arrintaasi ayaa la isku mari waayay.

In kastoo madaxweyne Farmaajo uu soo jeediyay in shirka cusub lagu qabto Garoowe, haddana maamulka Puntland ayaa dhankiisa sheegay in uu ku talinayo in shirkaasi lagu qabto magaalada Muqdisho isla markaana ay ka soo qeybgalaan “saamileyda siyaasadeed iyo beesha caalamka.”

Qoraal la soo dhigay barta Facebook ee madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay “Dowladda waxay soo dhaweynaysaa shi

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this