Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka Oo Taageero Dhaqaale Iyo Mid Farsamo Ku Caawin doonta Guddida Doorashooyinka Somaliland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Ingiriiska iyo dalalka kale ee Somaliland ka taageera Doorashooyinka ayaa sheegay in ay taageero dhaqaale iyo mid farsamo ku caawin doonaan Guddida Doorashooyinka Somaliland.

Warsaxafadeed Wadajir ah oo ay soo saareen Dowladaha Sweden, Norway, Maraykanka , Germany iyo UK oo ay maanta baahisay wasaaradda arrimaha Dibadda UK ayaa lagu boggaadiyay Hannaanka ay u socdaan Doorashooyinka Somaliland ee Wakiillada iyo Deegaanka iyo sidii ay ku dhammaatay Diiwaangalintii codbixiyaasha.

Waddamadan ayaa sidoo kale ugu baaqay saddexda xisbi ee Somaliland in la ilaaliyo heshiiskii ay hore Saddexda xisbi uga gaadheen Qoondada Haweenka iyo Beelaha la hayb-sooco.

Bayaankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo shalay madaxweynaha Somaliland sheegay in ay Somaliland iska bixinayso guud ahaan kharashka Doorashada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this