Deeq A. Posted February 9, 2021 Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Talaado ah kulmi doona, si ay uga wada-hadlaan qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya. Kulankan oo deg deg ah ayaa la sheegay in ay codsatay dowladda Britain oo kamid ah dalalka ku lugta leh arrimaha Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa Isniintii ugu ekayd muddo xilleedkiisii afarta sano iyadoo ay mugdi ku jirto waddadii loo mari lahaa doorashooyinka. Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa shir jaraaid ku sheegay wali in ay jirto meel ay kuwada kulmi karaan hogaamiyaasha Soomaalida, si ay u helaan xal siyaasadeed oo dhowraya wadajirkooda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites