Sign in to follow this  
Deeq A.

Fadhiga Golaha Shacabka Oo Laga Diiday In Uu Ka Soo Qeyb Galo Raโ€™iisul Wasaare Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegaya in la diiday in uu horyimaado xildhibaanada, waqtigoodu dhamaadayย  raโ€™iisul wasaare Rooble, oo maanta lagu waday in uu khudbad ka hor jeediyo .

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa markii uu fadhiga furmay waxa ay dalbadeen in ajendaha kulanka laga saaro dhageysiga khudbadda wax qabadka 100 maalin ee xukuumadda Rooble , iyagoo xildhibaanada Sheegayaan in anan loo qeybin warqadaha wax qabadka Raโ€™iisul wasaaraha .

Guddoonka golaha shacabka ayaa markii danbe aqbalay Soojeedinta xildhibaannada, iyadoo Xarunta laga saaray Ilaalada raโ€™iisul wasaaraha oo goobta ku sugnaa.

Rooble ayaa soo bandhigi rabay wax qabadkiisa xukuumadda waqtiga ka dhacay ee 100 maalin jirsatay .

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this