Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa xalay ka dhacay weerar qorsheysan oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac, kaas oo ay fuliyeen kooxo hubeysan.

Weerarka oo loo adeegsaday bam-gacmeed ah ayaa waxaa lagu qaaday guriga uu taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ka dagan yahay magaalada Baydhabo, gaar ahaan ka soo horjeedkaa garoonka kubadda cagta ee Dr Ayuub oo ku yaalla gudaha magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan 1 qof, iyada oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen 2 ruux oo kale oo shacab ahaa, sida ay shaaciyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa weerarka kadib xigay rasaas ay fureen ciidamo ku sugnaa guriga taliyaha, waxaana rasaastaasi dhaawac kasoo gaaray markii dambe u geeriyootay gabar yar oo ka mid ah aheyd dadka deegaanka oo magaceeda lagu sheegay Xanaan Barre.

Xaaladda goobta uu weerarka ka dhacay ayaa saaka degan, waxaana gaaray ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this