Deeq A. Posted February 6, 2021 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, mudane; Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu ka qeyb galay shirkii wada tashiga Dowladda dhexe, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee horraantii bishan ka furmay magaalada Samoreeb. Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa Saacadaha soo socda in uu khudbad u jeediyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo uga war bixin doona waxyaabihii kasoo baxay shirkii Magaalada Dhuusamreeb. Kulanka baarlamaanka oo uu horey u iclaamiyey madaxweynaha ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu natiijo la’aan kusoo dhammaaday shirkii magaalada Dhuusamareeb. View the full article Share this post Link to post Share on other sites