Sign in to follow this  
Deeq A.

MW Farmaajo oo shaaciyey hal arrin oo ku aadan doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysa u jeediyay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo si gaara diirada ugu saaray muranka hareeyay arrimaha doorashooyinka.

 Madaxweyne Farmaajo ayaa ka sheekeeyay heerarkii kala duwanaa ee laga soo maray wadahadalada dowladda iyo maamul goboleedyada sidii dalka looga hirgelin lahaa doorasho heshiis lagu wada yahay, isagoo soo qaatay dhowrkii shir ee ka dhacay magaalada Dhuusa-mareeb isagoo ku faanay inuu sameeyay ilaa iyo 5 tanaasul sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale madaxweynaha oo soo hadal qaaday fashilka shirkii Dhuusa-mareeb, ayaa tilmaamay iney jirto hal fursad oo kale, taasoo sida uu sheegay ay doorashada isaga imaan doonaan madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada, hadii kulankan is af-garad laga gaari waayanna ay talada u soo celin doonaan baarlamaanka.

“Waxaan rabaa inaan halkaan ka cadeeyo inaan diyaar u nahay hirgelinta heshiiskii 17 september, waxaana idinka codsaneynaa inaad nagu garab gashaan sidii walaaleheen naga maqan u qancin leheyn iney qeyb ka ahaadaan hirgalinta heshiiska” ayuu yiri madaxweynaha.

Ugu dambeyn madaxweyne Farmaajo ayaa qiray in maamulkiisa uu diyaar u yahay qabashada doorasho salkeedu yahay heshiiskii 17 Sep, Isagoo Xildhibanaada qudhooda u sheegay iney u banaan tahay iney kaalintooda ka ciyaaraan sidii loo soo qancin lahaa madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this