Sign in to follow this  
Deeq A.

Khudbadii uu Baarlmaaka ka horjeediyay madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   
Khudbadda oo dhameystiran

Madaxweyne Farmaajo ayaa goordhaweyd hadal u jeediyay Golaha Shacabka uga hadlay heerarkii uu soo maray khilaafka hannaanka doorashada dalka iyo hadda meesha uu marayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxweynaha Puntland iyo Jubaland ku eedeeyay in ay hortaan yihiin fulinta heshiiskii doorashada ee 17 September 2020.

Wuxuu sheegay in heshiiskii siyaasadeed ee 17 September 2020, ay wadagaareen madaxda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, uu qoray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, wuxuuna tilmaamay in labo fikradood oo uu ku darsaday heshiiskaas laga diiday, kuwaas oo kala lahaa in gudigii hore ee Xaliimo yarey hoggaaminaysay laga dhigo guddiga doorashada iyo in haween laga dhimo lacagta musharaxiiinta xildhibaannadda.

Wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay sidii loo fulin lahaa heshiiskii la saxiixay 17 September 2020, balse hadii uu suutogeli waayo uu mar kale Baarlamaanka horkeeni doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in doorshada Soomaaliya ay faragelin ku hayaan dalal shisheeye oo uusan xusin magacyadooda.

PUNTLAND POST

The post Khudbadii uu Baarlmaaka ka horjeediyay madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this