Deeq A. Posted February 6, 2021 Dibad-baxyo looga soo horjeedo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacaan qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo. Abaabulka dibad-baxyadaan oo haatan ka socda gobolkaasi ayaa waxaa la qorsheynayaa inay ka dhacaan degmooyinka Garbahaarey, Luuq, Doolow, Buurdhuubo iyo Baardheere. Wararka ayaa sheegaya in dibad-baxyadana looga soo horjeedo in gobolka Gedo iyo doorashada ka dhaceyso la hoos-geeyo maamulka Axmed Madoobe. Arrinta gobolka Gedo ayaa qeyb ka aheyd shirkii lagu kala tegay ee Dhuusamareeb, kaas oo natiijo la’aan kusoo dhammaaday. Xaaladda ayaa siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana weli muran xoogan uu ka taagan yahay hannaanka doorashada dalka ee sanadkan 2021-ka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites