Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News— Madaxweyne Axmed Madoobe oo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu deg deg isu casilo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muran xoogan ayaa dhexmaray Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha DF Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu dib uga laabtay Heshiisyadii hordhaca ahaa ee Shalay lawada gaaray.

Kulankii Saaka ayaa Madaxweyne Farmaajo uu isbadalay wuxuuna ka laabtay Qodobadii shalay lagu heshiiyey tasoo ka caraysiisay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Maanta kolkii uu Axmed Madoobe ka baxayay Aqalka Shirku ka socdo ayuu yiri “Madaxweyne waa inaad si degdeg ah isu Casishaa”.
Axmed Madoobe wuxuu u arkaa Madaxweynaha Nin aan go’aan lahayn oo aan ka bixi karin Wadahadalada socda.

Docda kalena Shirka ayaa u muuqda mid aan wax natiijo ah laga gaari karin inkastoo Beesha Caalamku ay khadka Teleefoonka ugu kala dabqaadayaan Madaxda Soomaaliya.

Puntlandi.com Dhuusamareeb

The post Breaking News— Madaxweyne Axmed Madoobe oo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu deg deg isu casilo appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this