Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharrax Xildhibaan Federaal Eng. Jaamac Cali Jaamac oo soo dhaweyn loogu sameeyay Bandarbeyla

Recommended Posts

Deeq A.   
20210204_233032.jpg?resize=730%2C560&ssl

Musharrax Xildhibaan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Eng. Jaamac Cali Jaamac ayaa munaasabad soo dhaweyn ah loogu qabtay degmada Bandarbeyla ee gobolka Karkaar.

Munaasabadda oo si weyn loo soo agaasimay waxaa kasoo qeyb-galay nabaddoono, waxgarad, ganacsato, dhalinyaro iyo haween.

Musharrax Eng. Jaamac Cali Jaamac oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in musharraxnimadiisa ay timid kaddib markii uu arkay baahida bulshadu u qabto matalaad dhab ah.

20210204_233417.jpg?resize=566%2C438&sslEng. Jaamac Cali Jaamac

Musharraxa ayaa hadii uu ku guuleysto kursiga dadka deegaanka u ballanqaaday wax ka qabashada arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, kalluumaysiga iyo horumarinta jidadka.

Dhankooda bulshada Bandarbeyla qeybaheeda kala duwan ee waxgaradka, dhallinyarada iyo haweenka ayaa soo dhaweeyey musharraxnimada Eng. Jaamac Cali Jaamac.

20210204_232807.jpg?resize=756%2C560&ssl 20210204_232727.jpg?resize=756%2C624&ssl 20210204_223355.jpg?resize=1000%2C748&ss 20210204_224619.jpg?resize=756%2C666&ssl 20210204_232746.jpg?resize=756%2C750&ssl 20210204_233330.jpg?resize=756%2C710&ssl 20210204_233159.jpg?resize=566%2C478&ssl 20210204_232456.jpg?resize=1000%2C732&ss 20210204_233901.jpg?resize=756%2C672&ssl 20210204_232533.jpg?resize=1000%2C767&ss 20210204_233223.jpg?resize=756%2C632&ssl

PUNTLAND POST

The post Musharrax Xildhibaan Federaal Eng. Jaamac Cali Jaamac oo soo dhaweyn loogu sameeyay Bandarbeyla appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this