Deeq A. Posted February 4, 2021 Beesha Caalamka ayaa war kasoo saartay shirka ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug, kaasi oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka. Qoraal kasoo baxay Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalmaka ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan shirkaasi, waxaana madaxda halkaasi ku kulansan ay ku boorriyeen in ay sii wadaan wada xaajoodka, waxaana intaas ay ku dareen in la joogaa xilligii la gaari lahaa is-afgarad si loo hirgeliyo heshiiskii 17-kii Sebtember ee doorashooyinka. “Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan wada hadalada socda ee u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Dhuusamareeb ka socda, waxa ayna ku boorrinayaan kaqeybgalayaasha in ay sii wadaan wada xaajoodka: hadda waxaa la joogaa xilligii la gaari lahaa is-afgarad si loo hirgeliyo heshiiskii 17-kii Sebtember ee doorashooyinka” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites