Deeq A. Posted February 3, 2021 Dib u dhac ayaa ku yimid furitaanka shirka wada-tashiga magaalada Dhuusamareeb ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey shirkaasi, wuxuuna dib u dhac u sababeeyey madaxda qaar oo soo daahay. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in shirweynahan uu si rasmi ah u billaaban doono saacadaha soo socda ee maanta, islamarkaana laga wada-hadlayo doorashooyinka. Dubbe ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujinayey in natiijo miro-dhal ah ay ka soo bixi doonto shirkaas oo noqonaya kii ugu dambeeyey ee doorashada 2021-ka. Shirka Dhuusamareeb 4 ayaa qorshuhu ahaa inuu dhaco 1 illaa 3 bishan, balse uu ku yimid dib u dhac, waxaana hadda caasimadda Galmudug ku wada sugan madaxda Soomaaliyeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites