Deeq A. Posted February 3, 2021 (SLT-Florida)-Hey’adda Danbi-baadhista Mareykanka ee loo soo gaabiyo FBI ayaa sheegtay, in laba ka mid ah saraakiisheeda lagu dilay saddex kalana lagu dhaawacay, iska hor imaad shalay subaxii ka dhacay gobolka Florida. Shilkan ayaa dhacay, kaddib marki saraakiil ka tirsan FBI-da ay isku dayeen in ay baadhaan, guri ku yaalla degmada Fort Lauderdale halkaas oo looga shakisanaa inay ka socdeen fal danbeyeed ka dhan ah carruur. Qofka looga shakisanyahay inuu weeraray saraakiisha FBI-da ayaa la xaqiijiyay in isna dilay. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu isaga is dilay. Hey’adda FBI-da ayaa weeraraki salaasadii ku sheegtay, kii ugu khasaaraha badnaa ee soo gaadha saraakiil ka tirsan FBI muddo sannado ah. Source Share this post Link to post Share on other sites