Sign in to follow this  
Deeq A.

Ben Fender: Waa in Soomaalidu Isu Tanaasulaan

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16123013489707896.jpg?resize=600%

Muqdisho (Wararka PP) — Safiirka Biritayn u jooga Soomaaliya Ben Fender ayaa u rajeeyay ka qeybgalayaasha shirka Dhuusamareeb guul.

“Soomaalida ayay u taallaa sida ay doorashada u abaabulayaan. Waxaan jeclaan lahaa inaan idin la wadaago in saaxibbada Soomaaliya aysan doonayn waqti kordhin, ama maamul ku meelgaar ah. Doorasho qabsoonta ayay doonayaan” ayuu Safiirku yiri.

Ben Fender wuxuu intaas ku daray inuu jeclaan lahaa in Soomaalidu gasho doorasho hal qof iyo hal cod hase ahaatee la is hortaagay doorashadaas. Muu sheegin cidda is hortaagtay doorashada.

Wuxuu ku boorriyay madaxda sare ee dalka inay danta Soomaaliya ka hormariyaan danta qofeed. “Taariikhda ayaa xusi doonta dadka ragaadiya geeddi-socodka doorashada” ayuu Ben Fender yiri.

Dhuusamareeb waxaa ku kulansan hoggaanka dalka iyo madaxda maamul federaaleedyada. Waxaa la filayaa inuu ka soo baxo isafgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaannada iyo Senatarrada ka hor doorashada Madaxweynaha oo waqtigeeda lagu heshiin doono.

© Puntland Post, 2021

The post Ben Fender: Waa in Soomaalidu Isu Tanaasulaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this