Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   
20210203_021623.jpg?resize=720%2C404&ssl

Shirka madaxda Soomaaliya oo qorshuhu ahaa inuu caawa ka furmyo magaalada Dhuusamareeb ayaa dib u dhac ku yimid.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo goordhaweyd shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa sheegay in ku talagalka shirku ahaa inuu caawa furmo, hase ahaatee uu dib ugu dhacay berri oo Arbaco ah.

Wasiir Dubbe wuxuu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay mar walba la wadaagi doonaan halka uu marayo shirka looga arrinsanayo doorashada dalka.

Shirka Dhuusamareeb ayaa la filayaa inuu ka soo baxo isafgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaannada iyo Senatarrada ka hor doorashada Madaxweynaha oo waqtigeeda lagu heshiin doono.

PUNTLAND POST

The post Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this