Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo sababo Amni uga degay magaalada Cadaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa Galabta ka degay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, kadib markii ay ka dhoofeen Garoonka Diyaaradaha caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Deni, ayaa taxaddar dhinaca Amniga ah uga baaqsaday Dhuusamareeb, kadib markii xalay hoobiyaal lagu garaacay Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb iyo xaafado ka tirsan magaalada.

Mudane Deni, oo ka qayb-geli doona Shirka Arrimaha Doorashada ee Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed uga furmi doona Dhuusamareeb, ayaa halkaasi ku tegi doona safar dhinaca Dhulka ah, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo sababo Amni uga degay magaalada Cadaado appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this