Sign in to follow this  
Deeq A.

Sudan Oo Digniin U Dirtay Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Wasiirka Beeraha ee Sudan ayaa sheegay in dowladiisa ay kasoo horjeedo qorshaha Xukuumada Itoobiya ay ku dooneyso inay markale biyaha Nile ka buuxiso Biyo-xidheenka ay sameysteen, iyadoo aan wax heshiis ah la gelin Sudan iyo Masar.

Dowladda Itoobiya ayaa bishii July  ee sannadkii tagay bilowday inay biyaha wabiga Nile ka buuxiso biyo-xidheenka ay dhistay, waxayna Addis Ababa qorsheenaysaa sannadkan in markii labaad ay biyaha wabiga ka buuxsato Biyo-Xidheenka arrintan oo khatar ku keeni karta beeraleyda iyo dadka ku nool biyahaasi ee waddamada Sudan iyo Masar.

Wafti ka socda Midowga Yurub oo Isniintii shalay booqday magaalada Khartuum ayaa xukuumada Sudan kala hadlay arrimaha waan waanta la waday ee ku aadan Biyo-xidheenka Itoobiya oo hore marar badan natiijo la’aan kusoo dhammaaday.

Sudan ayaa hore u ogolaatay in Itoobiya ay biyo-xidheenka ku kaydsato biyaha balse waxay shardi uga dhigtay in labada waddan ay wada go’aamiyaan qaabka loo maareenayo cadadka biyaha lagu keydinayo biyo-xidheenka, arrintaasi oo ay Khatruum sheegtay inay diiday xukuumada Addis Ababa.

Dowladda Masar ayaa iyada go’aan kaas ka adag ka taagan arrimaha biyo-xidheenkan, iyagoo sheegay in uu khatar ku yahay mashruucan shacabkooda ku nool biyaha wabiga Nile, waxayna Masar horey ugu hanjabtay inay tilaabo millatari qaadi doonto hadii wax heshiis ah laga gaadhi waayo arrintan.

Xiligan ayey jiraan xiisado iyo dhaq-dhaqaaqyo militari oo u dhaxeeya Sudan iyo Itoobiya oo la xadhiidha xaduuda labadaasi dal, arrintan oo laga yaabo inay sii xumeyso xidhiidhka waddamadan jaarka ah, xilli Masar ay dardargelisay iskaashiga millatari oo ay la leedahay dowlada Sudan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this