Deeq A. Posted February 2, 2021 Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa soo bandhigay meydadka 3 ruux oo ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen Al-shabaab xalay hoobiyaal ku tuuray magaalada Dhuusamareeb. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga oo warbaahinta kula hadley duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegay in ay dileen 3-xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab oo uu ku jiro horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Ceelbuur iyo Dhuusamareeb, kaas oo ay sheegeen in lagu magacaabi jiray Cabdinaasir. Sidoo kale waxay soo bandhigeen dhaawaca hal nin iyo afar qori oo ay ciidamadu sheegeen in ay ka furteen kooxdii xalay hoobiyaasha ku tuuray xaafado ka mid ah magaalada Dhuusamareeb. Howlgalkan waxaa wada fuliyay ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Xubno ka mid ah kooxdii weerartay Dhuusamareeb oo la dilay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites