Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo shaaciyey in Dawlada Iran Toddobaadyo keliya uga dhiman yihiin inay hesho Nukliyeer

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanka oo shaaciyey in Dawlada Iran Toddobaadyo keliya uga dhiman yihiin inay hesho Nukliyeer

 

iran.jpg

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Xukuumadda Iiraan ay maalmo u jirto helitaanka agab ku filan oo ah hubka nukliyeerka haddii ay sii waddo xakameynta barnaamijkeeda Atoomikada.

Qiimeynta waxaa sameeyay xoghayaha cusub ee Mareykanka Antony Bliken, waxaana uu hadalkaan sheegay xili uu la hadayay warbaahinta Mareykanka ee NBC.

Iiraan waxaa ay ka baxday heshiiskii caalamiga ah ee Nukliyeerka sanadkii 2015-kii kadib markii ay is maageen madaxweynihii xiligaas Donald Trump .

Xiligii uu Mr Trump madaxweynaha ahaa wuxuu sheegay in Iiraan ay ka baxday qaar ka mid ah waxyaabihii heshiiska saldhiga u ahaa .

Maamulka madaxweynaha cusub ee Biden ayaa hadda u muuqada in uu diyaar u yahay inuu Iiraan kala xaajoodo ku laabashada heshiikii Nukliyeerka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this