Sign in to follow this  
Deeq A.

Amaanka Madaxweyne Farmaajo oo aad loo adkeeyey kadib Madaafiic Xalay lagu garaacay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Xalay ugu yaraan 9 Sagaal Madfac ayaa lagusoo tuuray Magaalada Dhuusamareeb oo marti galinaysa Shirka Wadatashiga Doorashada, oo maanta laguwado inuu si rasmi ah u furmo.

Saaka waxaa aad loo adkeeyey Amaanka Madaxweyne Farmaajo, Sida Puntlandi.com ay xogta ku hayaan waxaa maanta Magaalada soo gaaraya Diyaarad Ay ka buuxaan Ciidan oo ka imaanaysa Muqdisho.

Saaka Cabsi Xoogan ayay ku waabariisteen Reer Dhuusamareeb , Cabdifataax Xasan oo ka mid ah Odoyaasha Magaalada wuxuu Puntlandi.com u sheegay sidaan..

  • “Aad Ayaan u walwalsanahay, Madaafiicda loo wado nimankaan Martida ah waxay ku dhacayaan Guryaha Shacabka, dhibku anaguu nasoo gaarayaa, Dhacabku aad ayay u cabanayaan, khaasatan haweenka Magaalada.”.

Waxaa lagu wadaa in ay maanta iyana Magaalada soo gaaraan Deni iyo Axmed Madoobe, labaduba waxay iskasoo hormariyeen Ilaaladioda Khaaska ah.

Uguyaraan Boqol Adkari ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe iskasoo hormariyay.

Puntlandi.cim Gaalkacyo

The post Amaanka Madaxweyne Farmaajo oo aad loo adkeeyey kadib Madaafiic Xalay lagu garaacay Dhuusamareeb appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this