Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo war kasoo saartay weerarkii Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Galmudug ayaa faah faahin ka bixisay weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee ay Xalay Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Afhayeenka maamulkaasi, Bashiir Maxamed Salaad (Sanka) ayaa shaaciyey in weerarkaasi ay ka hortageen, kana jawaabeen ciidamada ammaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday qaarna la dilay, qaar kalena nolosha lagu qabtay, sida uu hadalka u dhigay.

Sanka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale gacanta lagu dhigay hoobiyeyaashii lagu soo weeraray Dhuusamareeb.

“Ciidamada Qalabka sida ayaa si heer sare ah kaga jawaabay dhowr hoobiye oo xalay kooxda  Alshabaab kusoo tuurtay Dhuusamareeb.Waxaana ciidanka suurto gashay inay qaar laayaan ,qaarna iyaga oo dhaawaca qabtaan miliishiyaadkii sootuuray madaaficda,sidoo kale waxay gacanta kudhigeen Hoobiyihii ay magaalada kusoo garaaceen iyo qoryahoodii,”  ayuu yiri afhayeenka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Si kastaba weerarkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay haatan Dhuusamareeb ku sugan yihiin madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah madaxda maamullada dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this