Deeq A. Posted February 2, 2021 Magaalada Samareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa Maanta lagu wadaa inuu ka furmo Shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada. Shirka oo uu ku baaqay Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ku bixinayso sidii ay u dhici lahayd doorashada Madaxweynenimo ee Soomaaliya iyadoo si arinkaas uu u dhaco u qabatay dhowr shir oo looga arinsanayo arimaha doorashooyinka dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites