Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray magaalada Samareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Samareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Samareeb ku soo dhaweeyay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka galmudug, guddoomiyaha baarlamaanka galmudug, labada gole ee galmudug iyo dadweyne farabadan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qeyb galaya shirka uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada ee ka furmaya magaalada Samareeb, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka Qaranka.

Waxaa Maalintii shalay ahayd magaalada Samareeb gaaray madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynayaasha maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

145009350_3686123291424672_4445032977553145017818_3686123454757989_3913961787950145610753_3686123024758032_7036527788682145617721_3686123301424671_1087603094772145676229_3686123008091367_1866866606519145685477_3686123591424642_4521883118024145990130_3686123184758016_4325504249917

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this