Deeq A. Posted February 2, 2021 Dhuusamareeb ( Caasimada Online ) – Qaban qaabadii ugu dambeysay ee shirka Dhuusamareeb ayaa haatan ka socota magaaladaasi, kaas oo lagu wado inuu furmo gelinka dambe ee maanta. Dhuusamareeb waxaa xalay ku hoyday madaxweyanaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha dalka, iyo saddexda madaxweyne gobleed ee taabacsan dowladda, sida HirShebelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo marti loo yahay. Sidoo kale madaxda ku sugan Dhuusamareeb ayaa xalay yeeshay kulan horudhac u ahaa shirweynaha maanta ka furmaya gudaha magaaladaasi. Waxaa sidoo kale caasimadda Galmudug saacadaha soo socda ku sii jeeda Axmed Madoobe, Deni iyo Cumar Filish oo iyaguna ka qeyb-galaya shirkaasi wada-tashiga ah. Sida qorshuhu yahay waxaa shirkan xal kama dambeys ah looga gaarayaa xaaladda dalka iyo doorashooyinka, gaar ahaan tabashada ay qabaan Jubbaland iyo Puntland. Si kastaba xaaladda dalka ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana isha lagu wada hayaa shirka Dhuusamareeb 4 iyo natiijada kasoo bixi doonta. Share this post Link to post Share on other sites