Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni iyo Axmed Madoobe oo ku wajahan Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   
2-2.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, ayaa maanta oo Talaado ah ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, halkaas oo uu ka furmayo shirka madaxda dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Magaalada Dhuusamareeb waxa haatan ku sugan madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, madaxweynayaasha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

Shirka Dhuusamareeb, oo la filayo in uu maanta furmo, waxa looga arrinsan muran ka aloosan Arrimaha doorashada, kaas oo u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada qaarkood iyo murashixiinta mucaaradsan dowladda.

Shirka ayaa ku soo beegmaya, xilli xalay weerar hoobiyaal ah lagu duqeeyay magaalada Dhuusamareeb oo marti-gelinaysa Shirka, inkastoo aan weli faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay weerarka, oo la rumaysanyahay in Al-shabaab fulisay.

PUNTLAND POST

The post Deni iyo Axmed Madoobe oo ku wajahan Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this