Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Puntland oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay Buuraleyda Gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Xoogga Puntland ee loo yaqaan PSF, ayaa sheegay in ay hawlgal qorshaysan ka fuliyeen degaanka Dolqooxle, oo ka tirsan tuulada Af-urur ee Gobolka Bari.

War qoraal ah oo ka soo baxay PSF, ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas la qaaday, kadib markii ciidanku heleen xog ku saabsan in degaanka ay yimaadeen koox ka tirsan Al-shabaab.

“Hawlgalkan ay ciidanka PSF fuliyeen ayaa yimid kadib markii ay ciidanka PSF heleen xog sheegaysa in ay Buuraleyda aaggaas ay yimaadeen kuna dhuumalaysanayaan Xubno ka tirsan cadowga Al Shabaab.”

Sidoo kale, PSF waxay ballan-qaadeen in ay sii wadi doonaan hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish, waxaana ay shacabka ka codsadeen in ay garab-istaagaan Ciidanka.

PUNTLAND POST

The post Ciidanka Puntland oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay Buuraleyda Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this