Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee loo soo afjaray weerarkii lagu qaaday hotel Afriik?

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyey ina lasoo afjaray weerarkii saacadaha badan qaatay ee lagu qaaday hotelka caanka ah Afrika ee magaalada Muqdisho.

Laamaha amniga ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay toogteen saddex ka mid ah afartii nin ee weerarka fuliyay, halka kii afraadna uu is qarxiyey.

Halkan hoose ka aqriso:

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxay si xoog leh u cambaarayneysaa weerarka argagixiso ee waxashnimada ah ee lagu qaaday hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho. Ilaa hadda inta la og yahay, waxaa weerarka ku dhintay 5 qof oo ku jiro General Maxamed Nuur Galaal, oo ahaa muwaadiniin aan waxba galabsan.

Sidoo kale waxa goobta lagu dilay 3 ka mid ah 4tii dhagar qabe ee weerarka fuliyay halka kii afraadna uu is qarxiyay. Sida uu sheegay Afhayeenka booliska Soomaaliyeed oo Warbaahinta la hadlay.

Ciidamadda Qaranka ayaa ugu dambayn toogtay Maleeshiyaadkii Alshabaab, soona afjaray Weerarkii Argagixisanimo. Galaal waxa uu ka mid ahaa tiro yar oo ka nool dadkii u soo joogay Dhismaha Ciidanka Somalia, xornimaddii kadib, Wuxuuna soo qabtay Xilal kala duwan oo ciidan iyo Wasiirnimo.

Waxay dowladda Federaalku u tacsiyeyneysaa qoysaskii iyo eheladii uu ka geeriyooday General Maxamed Nuur Galaal, oo ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday iyo muwaadiniinta kale ee ku dhimatay.

Dhamaan intii ku dhimatay naxariistii janno Allah ha ka waraabiyo. Ciidamada dowladda, ayaa ku amaanan sida ay u xaqiijiyaan badbaadinta muwaadiniin hoteelka ku sugnaa markii qarayada lagu weeraray maleeshiyo hubsana ay galeen Hoteelka.

Kooxaha argagixisada, ayaa caadeysatay waxyeelada dadka rayidka ah, kadib markii ciidamada dowladdu kaga adkaadeen furimaha dagaalka, iyadoo laga qabsaday goobo badan, isla markaana inta badan madaxdooda lagu laayay duqeymo cirka ah oo qorsheysan.

Ciidamada amnigu marnaba kama daali doonaan la dagaalanka iyo soo afjaridda kooxaha argagixisada. Wixii faahfaahin ah ee la xiriira weerarka, dib ayaan idiinla soo wadaagi doonnaa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this