Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Turkiga oo canbaareysay weerarka argagaxiso ee ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa si kulul loogu canbaareeyay weerarkii argagaxisada ay la beegsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan si xoog leh u canbaareyneyaa weerarka bahalnimada anagoo tacsi u direena dadka walaalaheena iyo dowlada soomaaliya ayaa lagu yiri qoraalka.” ayaa lagu yiri Qoraalka.

“Waxaan ilaah ugu baryeenaa naxariis dadka ku nafwaayay weerarka sidoo kale waxaan u rajeyneynaa caafimaad iyo soo kabasho deg deg ah kuwa dhaawaca ayaa lagu yiri qoraalka wasaarada arimaha dibadda ee dalka Turkiga.”

Ugu danbeyntii waxaa qoraalka lagu sheegay in dowlada Turkiga ay sii wadi doonto ku garab istaaga shacabka soomaaliyeed iyo dowladooda la dagaalanka argagaxisada

PUNTLAND POST

The post Dowlada Turkiga oo canbaareysay weerarka argagaxiso ee ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this