Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo Muqdisho lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War hada nasoo gaaray waxa uu sheegayaa in Jeneraal Maxamed Nuur Galaal lagu dilay weerarka weli socda Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee sarkaalkan ayaa ka mid ahaa dadkii galabta ku jiray Hotelka markii ay gudaha u galeen koox aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo weli ka dagaalamaya gudaha Hotelka.

Siyaasiyiinta durba ka hadashay dilka Jeneraal Galaal waxaa ka mid ah Xildhibaan Mahad Salaad oo bartiisa Facebook ku soo qoray, “Gen Maxamed Nuur Galaal Allaha u naxariisto. Ehalada iyo asxaabtana samir iimaan Allaha ka siiyoo. Aamiin.”

Waxaa illa hadda la xaqiijiyey geerida Jeneraal Galaal, Taliyihii ilaalada Hotelka, askari ka tirnaaa ilaalada Hotelka iyo ganacsade Cabdullahi Nuure Siyaad oo ay walaalo ahaayeen siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) iyo dhaawaca Cabdikariin Goobaale oo ah wiil dhalinyaro ah.

Kooxda weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab ayaa weli ka dagaalameysa gudaha Hotelka, waxaana howlagalka soo afjaridooda la wareegay booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, balse weli ma suurta gelin in laga adkaado.

Tobanaan qof ayaa laga soo badbaadiyey hotelka markii uu weerarku ka bilaawday kadib, waxaana illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn inta uu dhanyahay khasaaraha ka dhashay weerarka weli ka socda gudaha Hotel Afriik.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this