Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Muqdisho Iyo Rasaas La Maqlayo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Qarax xooggan ayaa goor dhawayd ka dhacay waddada tagta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay qeyb badan oo magaalada ka mid ah.

Qaraxa ayaa lagu warramayaa inuu ka dhacay meel u dhow hotelka Afrik, oo ay ku taallo bar laga kantoroolo baabuurta tagaysa dhanka garoonka diyaaradaha. Waxaa qaraxa xigay rasaas xooggan.

Qaraxan ayaa ahaa mid gaadhi waxyaalaha qarxa lagu soo xidhey oo lagu dhuftay albaabka hore ee Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay xigeen laba qarax oo kale, iyo rasaas xooggan oo la is-weydaarsaday. Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in koox hubeysan ay galeen hotelka, islamarkaana ay ka dhex dagaalamayaan.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa lasoo warinaya in uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse illaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah.

Hotelka Afrik ayaa ka mida Hoteellada waaweyn ee ay degaan dadka dibadda ka yimaada ayna tagaan dadka caaadiga ah, Wararka ayaa sheegaya in Hotelka uu ku sugnaa xilliga uu Qaraxa iyo weerarku dhacay Saraakiil ka mida ciidamada dowladda iyo ilaaladooda.

La Soco faah-faahin dhowaan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this