Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha qaraxii hotel Afrik iyo xog ku saabsan shir beeleed ka socday markii la weeraray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Casimada Online) – Hotelka Afriik oo ku yaalla agagaarka isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho waxaa weli ka dhex dagaalameysa koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo gudaha u galay hotelka abaaro 7:00pm ee galabta.

Weli si rasmi ah looma ogaan karo khasaaraha inta uu dhanyahay, maadaama uu weli socdo weerarku, waxayna illa hadda la xaqiijiyey geerida laba askari oo ilaalada hotelka ka tirsaneyd iyo nin lagu magacaabi jiray Cabdullahi Nuure Siyaad oo ay walaalo ahaayeen siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal).

Markii weerarku bilaawday waxaa gudaha Hotelkaku jiray ciidamo badan oo ay wateen saraakiisha kala ah, Jeneraal Indhacadde, Jeneraal Galaal, Jeneraal Laba Afle, iyo saraakiil kale, kuwaas oo iska caabin adag ay kala kulantay kooxdii weerarka soo qaaday.

Dadka la xaqiijiyey illaa hadda ee Hotelka laga soo badbaadiyey iyaga oo nabad qaba waxaa ka mid ah, Milkiilihii Hotelka Xuseen Goley oo ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn magaalada Muqdisho, Jeneraal Indhacadde, Jeneraal Galaal, Jeneraal Laba Afle, guddoomiyihii hore ee G/Galgaduud Xuseen Cirfo, wiil uu dhalay Allaha u naxariistee Jeneraal Goobaale oo dhaawac ah iyo dad kale oo shacab iyo siyaasiyiin isugu jira.

Saraakiishan oo dhamaantood ah beesha Ceyr ayaa halkaas ku lahaa shir ay uga arrinsanayeen kiiska guddoomiyihii dhawaan la dilay ee degmada Hodan Allaha u naxariistee Cabdixakiin Dhegajuun.

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno Hotelka waxay sheegayaan inay howlgalka la wareegeen ciidanka booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, waxayna dad goobjoog ah Caasimada Online u xaqiijiyeen in kooxdii ay weli ka dagaalameyso qeybo ka tirsan Hotelka.

Qaar ka mid ah dadkii laga soo badbaadiyey Hotelka oo aan la hadalnay ayaa sidoo kale noo sheegay in kooxda aysan u suurta gelin inay si aad ah isugu faafiyaan gudaha Hotelka, isla markaana ay ka dagaalamayaan qeybaha soo xiga irida ay ka soo galeen ee Hotelka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this