Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax xooggan oo goor dhowayd ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan uu goor dhowayd ka dhacay Isgoyska Lambar 4 gaar ahaanna iridda hore ee Hoteel AFRIKA.

Jugta Qaraxa oo culus iyo uuro cirka isku shareertay ayaa laga soo weriyay nawaaxiga Qaraxaas ka dhacay welina Khasaareaha ka dhashay faahfaahin lagama helin.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dabley hubaysan ay Qaraxa kadib gudaha u galeen Hoteel AFRIKA halkaas oo uu ka bilowday dagaal toos ah inkastoo aan faahfaahin kale laga heli.

Wixi ka soo kordha kala soco Puntland Post

The post Qarax xooggan oo goor dhowayd ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this