Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey duqeyn markale ka dhacday Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in markale xalay diyaarado dagaal ay duqeyn xoogan ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi oo hoostaga K/Galbeed.

Duqeynta oo ka dhacday deegaanada Garasweyne, Abag-beeday, Gobid-Galoole iyo Moorogaabey ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weerarkan lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, walow aysan shaacin tiradooda.

Wa markii labaad oo duqeymo diyaaradeed laga fulinayo duleedka Xudur, si go’doonka looga qaado degmadaasi oo ay isku hareereeyeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this