Sign in to follow this  
Deeq A.

Wakiilka QM oo gaaray magaalada Kismaayo + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.

Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha dowlad Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, iyagoona ka wada hadli doona khilaafka ka taagan doorashada iyo sida lagu xalin karo.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadli doona Arrimo ku aadan deegaanada maamulka iyo mashaariicda horumarineed ee Qaramada Midoobay ka fuliso halkaas.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

WhatsApp-Image-2021-01-30-at-11.56.09-PM WhatsApp-Image-2021-01-30-at-11.56.10-PM-1024x682

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this