Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha gobolka Gedo oo ka jawaabay hadalkii Janan

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed (Canjeex) oo maanta u warramayey warbaahinta ayaa u jawaabay wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo markale shaaca ka qaaday inuu dagaal ku soo qaadayo Beledxaawo.

Axmed Buulle ayaa marka hore shacabka ugu baaqay inay is dajiyaan, wuxuuna tilmaamay in ammaanka ay sugayaan ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kal wuxuu intaasi ku daraya inay ka hortagi doonaan weerar kasta oo kaga yimaada jabhadda uu hoggaaminayo wasiir Janan oo ku sugan dhinaca dalka Kenya.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa sidoo kale xusay in koox yar oo fallaago aysan waxba ka bedali karin amniga magaalada Beledxaawo, kana hortago doonaan ciidanka Qaranka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maalmihii u dambeeyey xaaladda Beledxaawo ay aheyd mid deggan, waxaana si buuxda gacanta ugu haya ciidanka dowladda oo dharbaaxo ku dhuftay maleeshiyaadkii uu watay Janan ee duulaanka ku soo qaaday degmadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this