Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhismaha Jidka Muqdisho iyo Jowhar oo la bilaabayo + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Husein ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Xukuumada DG Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta golihiisa uga warbixiyay socdaalkii uu dhowaan ku tahay Magaalada Muqdisho iyo kulamadii kala duwanaa ee uu lasoo qaatay Madaxda ugu sareeyo dalka iyo wakiilada beesha caalamka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa golaha la wadaagay in dhowaan la bilaabi doono howlgalo argagixisada looga sifeynayo guud ahaan deegaanada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Golaha Xukuumada la wadaagay in uu kulan lasoo qaatay safiirka Dalka turkiga u fadhiya Soomaaliya dhowaana la billaabi doono dhismaha waddada laamiga ee Muqdisho iyo Jowhar.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa warbixino ka dhageystay Wasiiradda Amniga, Qorsheynta, Dhalinyaradaiyo Ciyaaraha, Dib u Heshiisiinta iyo Waxbarashada.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

GUUD2.jpg GUUD3.jpg GUUD4.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this