Sign in to follow this  
Deeq A.

Aabbe Si Arxan-darro Gabadh Uu Dhalay Ugu Dilay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Buurhakaba)-Wararka aanu ka heleyno degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in qeyb kamid ah degmadaas uu si arxan-darro ah aabbe ugu dilay gabadh la sheegay inuu isaga dhalay.

Dilka uu aabbaha u geystay gabadhiisa oo 14-sanno jir aheyd ayaa ka dambeeyay, kadib markii gabadha isku dhaceen eedo aabaheyd qabay, waxaana eedada oo careysan aabaha ku dacweysay gabadhiisa.

Dad deris lahaa guriga ay dhacdadda ka dhacday ayaa ku warramay in aabbaha uu gabadhiisa uu gacmaha iyo lugaha ka xidhay, kadibna uu qol geliyay, isla markaana ay ku jirto muddo saddex maalmood ah, iyada oo Cunto iyo biyo cabin, sidaasina ku dhimatay.

Dhinaca kale hooyada dhashay marxuumada geeriyootay ayaa warbaahinta u sheegtay in gabadheeda in sil silad lagaga xidhay gacmaha iyo lugaha sidoo kale afka loo galiyay jilbaabkeeda, sidaasna saddex maalmood qol ugu xidhnayd iyada oon biyo iyo raashin la siin.

Gabadha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Faa’isa Abuukar Ibraahim, waxaana dhacdadaas si weyn uga naxay dadka deegaanka Buurhakaba, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan falkaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this