Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo soo dhoweysay shirka ka dhacaya Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Jubbaland oo war ka soo saartay shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhacaya Dhuusamareeb ayaa sheegtay inay soo dhoweyneyso shirkaasi.

Wasiirka warfaafinta maamulkaasi, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Jubbaland ay ka qeyb-galeyso shirkaasi oo looga wada-hadlayo doorashooyinka.

“Waan soo dhoweyneynaa shirkan maamulka Jubalandna waa ka qeybgalayaa.” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Soomaliyeed ee Jubbaland oo la hadlay BBC-da.

Shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya oo dhacaya 1-da illaa 3-da bisha Febraayo ee sanadkan ayaa la filayaa in xal mideysan looga gaaro doorashooyinka.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this