Deeq A. Posted January 31, 2021 Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheeegaya halkaas lagu xiray dad ka qayb-galay kulamo looga horjeedo Maamulka Hirshabeelle. Ciidamo la sheegay in ay ka amar qaataan Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa xalay xabsiga dhigay saddex qof oo la sheegay in ay ka qayb-galeen Kulanka. Dadka xalay la xiray oo mid ay dumar tahay ayaa lagu eedeeyey in ay ka qeyb galeen kulan looga soo hor-jeeday madaxda cusub ee maamulka HirShabeelle kaas oo shalay lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. PUNTLAND POST The post Dad lagu xir-xiray magaalada Beledweyne appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites