Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo soo dhowaysay Shirka Madaxweyne Farmaajo ku baaqay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jubaland ayaa noqotay dowlad goboleedkii u horreeyay ee soo dhoweeya Shirka uu shalay iclaamiyay madaxweyne Farmaajo kaas oo dhexmari madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.

Wasiirka Warfaafinta Jubaland Cabdi Sheikh Xuseen Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhowaynayaan Shirka uu madaxweyne Farmaajo ku baaqay in la qabto Isniinta berry ah.

‘Shirkaasi waxaa u arkaan shir wanaagsan, waayo waxaad ogtihiin in madaxda dowlad gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland ay labaduba ku baaqeen in shir leysugu yimaado, sidaa daraadeed mar haddii uu madaxweynuhu uu ku baaqay shirkaasi waxaan u arkeynaa arin wanaagsan” ayuu yiri wasiir Cabdi Sheikh.

Wasiir Cabdi Sheikh wuxu sheegay in Ajandaha Shirku uu yahay xallinta Khilaafka Arrimaha Doorashada gaar ahaanna turxaan-bixintua Heshiiskii 17-ka September ay wada-gaareen dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo soo dhowaysay Shirka Madaxweyne Farmaajo ku baaqay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this