Deeq A. Posted January 30, 2021 Magaalada Jowhar waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaaran oo ay dhigeen dadka deegaanka, kaas oo sidoo kale ay qeyb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle. Dibad-baxan ayaa waxaa lagu taageerayey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan go’aankii uu madaxweynaha ku saxiixay 13-ka kursi ee gobolka Banaadir. Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in faraxsan yahay tallaabada taariikhiga ah ee uu qaaday madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Horey madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa u soo dhoweeyey ansixinta metalaadda gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare. View the full article Share this post Link to post Share on other sites