Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: MW Farmaajo oo qaabilay wakiilada beesha caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjireyaasha iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa la wadaagay sida ay uga go’an tahay dowladda qabsoomidda doorasho daahfuran, iyada oo la raacayo Heshiiskii 17-kii September 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey horumarka laga gaaray hannaanka hirgelinta doorashada oo ay ugu horreysay heshiiskii siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ansaxinta habraacyada iyo shuruucda hagaya doorashada, diyaarintii Guddiyada Madaxa-bannaan ee qabsoomidda doorashada iyo xaqiijinta miisaaniyadda doorashooyinka.

“Tanaasul badan ayaan ka sameynay hannaanka hirgelinta doorashada, waana arrin mudan dhiirrigelin iyo xoojin, si looga miro dhaliyo hadafka guud ee qabsoomidda doorasho waafaqsan shuruucda dalka, kana tarjumeysa hor –u-socodka dowladnimadeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaallada Xukumadda ee ku aaddan xaqiijinta qabsoomidda doorashada, isaga oo adkeeyey in la sii amba-qaadayo qorsheyaasha lagu hirgelinayo doorashada.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

2fcac9fa-a6fc-48a9-9688-cb3e7a34cb08.jpg 03cf1b2e-f801-476c-97f5-13daa96226de.jpg 03d91d2e-094e-47de-9bc6-013b4c124023.jpg 3c1cfec2-db64-4338-b869-00731850cae0.jpg 5c2327b6-a657-46b5-bd54-39efaf1423f9.jpg 5ead0733-ef81-4e7f-ace3-71851b215941.jpg 674f99bf-7d62-4ba6-990f-c1ca578ad9af.jpg 930d09f4-a006-48af-963d-ca784744fbd6.jpg 63037a36-efcf-4f4b-a452-6e7d35c34c89.jpg 85527be4-fbea-4a10-b2c0-8569bde190e9.jpg ad29f7d9-9157-4d83-a216-23f8fea705f8.jpg d1ac803b-0368-4ea8-8d3f-8b8da900f7de.jpg dc4ff958-b797-4809-a8e0-00231ca76264.jpg fe0bea76-9c06-4c24-8542-0cff26b7de4f.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this