Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo war kasoo saartay kulankii Farmaajo iyo beesha caalamka + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku faah-faahisay waxyaabaha looga hadlay kulankii maanta Villa Somalia ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo wakiilada Beesha Caalamka.

Hoos ka aqriso qoraalka madaxtooyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjireyaasha iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa la wadaagay sida ay uga go’an tahay dowladda qabsoomidda doorasho daahfuran, iyada oo la raacayo Heshiiskii 17-kii sibteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey horumarka laga gaaray hannaanka hirgelinta doorashada oo ay ugu horreysay heshiiskii siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ansaxinta habraacyada iyo shuruucda hagaya doorashada, diyaarintii Guddiyada Madaxa-bannaan ee qabsoomidda doorashada iyo xaqiijinta miisaaniyadda doorashooyinka.

“Tanaasul badan ayaan ka sameynay hannaanka hirgelinta doorashada, waana arrin mudan dhiirrigelin iyo xoojin, si looga miro dhaliyo hadafka guud ee qabsoomidda doorasho waafaqsan shuruucda dalka, kana tarjumeysa hor –u-socodka dowladnimadeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaallada Xukumadda ee ku aaddan xaqiijinta qabsoomidda doorashada, isaga oo adkeeyey in la sii amba-qaadayo qorsheyaasha lagu hirgelinayo doorashada.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday hergelinta hannaanka doorashada,waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dadaallada ay ku bixinayaan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.

144515969_3731699910247793_5244122079420 145016826_3731699510247833_1944488219111 143887426_3731698336914617_4755040009830 145078792_3731699356914515_2536857862611 143916378_3731698400247944_8142920372651 144009257_3731698340247950_3577524521150 144581135_3731699206914530_1067263117452 144007745_3731699540247830_2220594072073 144473842_3731699223581195_6075490967065 143748776_3731698556914595_1281324982785 144009257_3731700130247771_7313211138581 144909979_3731698583581259_3382803121726 Nicolas.jpg 144494843_3731700046914446_1959501514861

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this